Thursday 19th October 2017

Siyaasi Mexico U Dhashay Oo Cunsuriyeeyay Ronaldinho.

September 16, 2014 - Written by editor24

Ronaldinho oo dhawaan ku biiray kooxda reer Mexico ee Queretaro ayaa waxa uu aflagaado cunsurinimo ah kala kulmay siyaasi maxali ah kaasoo ku tilmaamay inuu yahay daanyeer. Kooxdiisa cusub ayaana dalbatay in la ciqaabo siyaasigaas si uu tusaale u noqdo.

Carlos Manuel Treviño, oo ah xubin ka tirsan xisbiga mayalka adag ee National Action Party (PAN) tan iyo 2000 islamarkaana soo ahaa wasiirka horumarinta ee dowlada hoosee e Queretaro ayaa ka carooday wadada oo ku xiran madaama garoonka La Corregidora lagu soo bandhigayay saxiidooda cusub Ronadinho.

“Waxaan xaqiiqdii isku dayayaa inaan dulqaato, laakiin waan necbahay kubada cagta iyo sida qof walba ay uga dhigto dabaalo. Waxaanse ka sii necbahay marka dadka ay ku soo fatahaan jidadka islamarkaana ay iga horjoogsadaan halkaan u socday, waxa ay la micno tahay inaan gurigeyga gaarayo labo saac ka dib, waxaan intaas loo sameynayaa in la arko daanyeer, waa Brazilian laakiin waa daanyeer. Gole ciyaareedka xaywaanada waxa uu noqday mid doqonimo ah.” ayuu Trevino ku qoray bogiisa Facebook.

Hadalkiisaas ayaana keentay carro badan taasoo ku kaliftay siyaasida inuu tirtiro qoraalkiisa ka dib markii uu jawaabo boqolaal gaaraya ka helay, laakiin waxaa durbaba sii qaatay warbaahinta Mexico.

Xigasho Laacib.

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015