Sunday 17th December 2017

Ciyaartoy ka tirsaneyd kooxdii hore ee kubadda Kolayga Somaliyed oo Gaalkacyo soo gaaray (Sawirro)

January 14, 2015 - Written by Puntland Fox

Magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug taarikh dheer oo isboortisna ku leh dhulka Soomaalida waxaa soo gaaray ciyaartooydii hore ee kubadda kolayga Soomaaliyeed,Maxamed Modoobe iyo Cabdirisaaq Marayaare,halkaaso si weyn loogu soo dhaweeyay.

Gobolka Mudug xilligaan waxaa uu ka mid yahay goobaha ay ka tir tirmeen tartamada iyo ciyaaraha kolayga,waana sababta ay xilligaan ujoogan ciyaaryahanadii hore oo ka mid ahaa raggi ugu fir fircoona kobadda kolayga Soomaaliyeed.

“Soo laabashada ciyaartooyda kubadda kolayga Soomaaliyeed waxaa ay horseed u noqon doonta taariikhdii isboortis ee Puntland,waana ku faraxsanahay xilli ay jirtay baahibadan inay noo yimaadan,iyagoo meelo fog ka yimid,”ayuu yiri Cabdiqani Khaliif Carabay oo garoonka diyaaraha Gaalkacyo ku soo dhaweeyay.

Labadan ciyaar-yahan waxaa sidoo kale ku soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo,maamulka isboortiska gobolka Mudug oo u hoggaaminayay guddoomiyaha isboortiska gobolka Mudug iyo guddoomiyaha xiriirka kubadda kolayga gobolka Mudug.

“Waxaa jirta baahi-badan oo loo qabo kubadda kolayga,Puntland kama jiraan tar tamo kubadda kolayga ah iyo garoomaba ina taba inad nala aragtaan mihiim bay noo tahay,”ayuu yiri guddoomiyaha kubadda kolayga gobolka Mudug,Cabdixakiin.

Guddoomiyaha isboortiska gobolka Mudug,Cabdi-hodon Dayax-leef ayaa dhankiisa warbixin ka siiyay xaaladda isboortis ee gobolka Mudug,waxuuna sheegay inaysan jirin gooromo kubadda kolayga ah oo ku yaalla gobolka Mudug.

Maxamed Modoobe oo ka mid ahaa ciyaartoyda kubadda kolayga Soomaaliyeed ee soo gaaray Puntland ayaa ugu horreeyn sheegay in sababta keentay xilligaan dalka inay ku soo laabtan inay ugu horreeyso inay soo nooleeyan kubadda kolayga ee Puntland.

“Markan aragnay baa’ba kubadda kolayga Puntland,waxaa ay nugu qasabtay inan dalka ku soo laabano si an u horumarino,waana mida an howlaheena iyo carruurteenaba an uga soo tagnay si an dalka iyo dadkaba wax ugu qabano,”ayuu yiri Madoobe.

Cabdirisaaq Marayaare ayaa isna sheegay inay tagi doonan dhammaanba gobollada Puntland,iyagoo dadaal ku bixinaya soo celinta waayihii kubadda kolayga Puntland.

“Ma jirto cid nugu taageeraysa inan ka shaqeyno soo nooleynta kubadda kolayga,waxaan dooneyna inan ku dhiiri-galino dadka aqoonta u leh kubadda kolayga dalka inay ku soo noqdaan,waan tageyna gobollada oo dhan,”ayuu yiri Marayaare.

Waxaa ay tageen garoomo loogu tala-galay kubadda kolayga kuwaas oo u ka muuqdo bur bur xooggan,iyagoona ballan-qaaday inay dayactiri doonan mid ka mid ah garoomada kolayga Gaalkacyo si loo soo celiyo tar tamada kolayga.

Ugu dambeyn,waxaa ay baaq u direen bahda isboortiska iyo jaaliyadda Puntaland,waxaana ay fareen inay taageero ku bixiyaan horumarinta isboortiska si dhallinyarada noola jeediyo dhibaatooyinka la soo gudboonaada.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ma jirin tar tamo ka dhacay Puntland,gaar ahaana kubadda kolayga

SAWIRO
1507632_832694173454493_4733124925532195291_n 10300871_832694073454503_6116852721963442209_n 10426211_832693943454516_4004511910982958979_n 10428023_832694956787748_8266597190767933382_n 10606262_832694660121111_6067233264574690153_n

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015