Thursday 19th October 2017

SAWIRO: Qabiirro Tababar ugu soo xiray Boosaaso Macalimiin Kubadda Kolayga ah

February 19, 2015 - Written by Puntland Fox

Magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Tababar la xiriira ciyaaraha Kubadda Kolayga kaas oo loo qabtay macalimiin tababari doona kooxo ciyaara Kolayga.

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu qabtay dugsiga sare ee Boosaaso ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Gallan, Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan iyo gudoomiyaha dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Bari Mustafe Majacase.

Tababarka loo qabtay macalimiintan baraneysa macalin nimada kubadda kolayga ayaa waxaa bixinayay qabiiro ku taqasusaqy ciyaaraha kubadda Kolayga soona ahaa ciyaaryahanadii hore ee Soomaaliya u ciyaari jiray ciyaartan kuwaas oo dhowaan soo gaaray gobolka.

Khudbado kala duwan oo si toos ah u taabaneysa ujeedka xaflada ayaa halkaas laga kala jeediyay, waxaana ka mid ahaa dadkii ugu horeyn hadlay gudoomiyaha dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Bari Mustafe Majacase, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay tababarkan loosoo xiray macalimiintan isagoo u rajeeyay in waxyaabaha ay barteen ay dalka ugu shaqeyn doonaan.

Gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan, iyo duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan ayaa iyana goobta ka sheegay in ay diyaar la yihiin caawinta qabiirada bilaabay howshan iyo macaliminta sameyn doona tababarada ee maanta loo soo xiray baristii, waxaana ay sheegeen in ay u diyaarinayaan dhulkii lagu ciyaari lahaa hadiiba qalabkii iyo cilmigii heystaan.

Ugu dambeyntii gaba gabadii xaflada ayaa waxaa lagu gudoonsiiyay goobta shahaadooyin sharaf macalimiinta qaatay tababarka iyadoo goobta siweyn looga mahadceliyay qabiirada yimid gobolka ee tababarkan fuliyay.

Sawiros1

s2

s3

s4

s5

s6

s7

s8

s9

s10

s11

s12

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015