Sunday 17th December 2017

FAALLO : Puntland iyo Maanta

March 18, 2015 - Written by Puntland Fox

Puntland maanta waxaa ay si toos ah u amba qaaday wadada saxda ah ee larabo in lagu horumariyo, waxaana dadaalkaasi dhabada u xaaray Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa hada si toos ah guud ahaan Gobolada Puntland uga soconaya qorshayaal horumarineed oo la rabo in lagu horumariyo dhulka udugu oo rabbi ku manaystay kheyraad farabadan una baahan in lagu soo saaro caqli iyo isku tashi bulsho.

Hirgelinta mashaariic horumarineed oo ka hirgalay inta badan qeybo kamid ah guud ahaan Gobolada Puntland waxaay tusaale cad u yihiin, sida ay shacabka reer Puntland maanta uga go’antahay inay ka dhabeeyaan hal kudhigii ahaa ” Puntland Ha Isku Tashato”

Puntland waxaa yimi islamarkaana amaanay horumarka ka soconaya maalqabeeno iyo madax kasocotay caalamka, kuwaasi oo dhawaan si rasmi ah iyana ubilaabi doona mashaariicyo horumarineed oo ay dhankooda balanqaadeen.

Waxaa fulay hirgelinta wadooyin laami ah oo halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka Puntland ilaa hadana waxaa gacanta lagu hayaa magaalooyinka Puntland badankood wadooyin casri ah oo looga baxayo baahida loo qabo dhanka wadooyinka.

Xukuumadaan uu hogaanka u hayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maalinba maalinta ka dambaysay waaa hubaal inay ku talaabsanayso horumar baaxadleh oo ay uwada riyaaqsan yihiin shacabka Nabada iyo Horumarka jecel ee reer Puntland.

Way jiri karaan caqabado yar-yar hadana waxaa looga gudbi karaa isku tashi iyo weliba isu tanaasul si aysan marnaba hakad ugelin talaabooyinka wanaagsan ee soconaya ahna kuwa keliyah ee looga bixi karo waxkasta oo jira.

Shacabka reer Puntland waxaan talo ahaan ugu soo jeedin inay qeyb lixaadleh ka qaataan talaabooyinka maanta Puntland lagu horumarinayo, aynu dhammaan dadaalkeena isugu keeno hal meel hadafkeenuna ha ahaado wax wada qabsi .

 

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacy-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015