Sunday 17th December 2017

FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.

March 25, 2015 - Written by Puntland Fox

Puntland waxaa ay dhabada toosan u saaran tahay in laga dhabeeyo si wanaagsana loo hirgeliyo Nidaamka dimuqraadiyeynta oo faa’iido weyn ugu jirta shacabka reer Puntland oo ah shacab u bisil ka faa’iidaysiga barnaamijkaasi.

Nidaamka dimuqraadiyeeynta ee larabo in laga hirgeliyo Puntland waa nidaam ay dadka Puntland muddo badan ku taamayeen hirgelintiisa, waana mid waafaqsan diinta islaamka, shareecada iyo qawaaniinta udagsan dalka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu hada uu suxul duub ugu jiraa sidii uu u hirgelin lahaa dimuqraadiyeynta Puntland si uu ufuliyo balanqaadkiisi ahaa in dadka Puntland heleyaan cadaalad iyo sinaan.

Barnaamijka dimuqraadiyeeynta Puntland waa mid soo kordhinaya in Nidaamka dawladeed ee Puntland uu noqdo mid loo wada siman yahay ka qeyb-galkiisa, sharciguna uu noqdo mid ciskasta ka sareeya .

Sidookale waxaa uu sahlayaa ama uu fududeynayaa in kheyraadka dalka uu noqdo mid loo wada simanyahay si wadajir ahna looga faa’iidaysto, fursadaha shaqo, caafimaad iyo waxbarashana waxaa ay noqnayaan kuwo loo wada siman yahay.

Dimuqraadiyadda waxay ka kooban tahay afar qeybood oo asaasi ah, afartaan qeybood waa tiirarka ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadda.

1. Dimuqraadiyadda waa nidaam siyaasadeed oo ay xukuumadaha isku bedelaan ka dib  doorasho xor ah oo caddaalad ah.

2. Waa nidaam siyaasadeed oo ay dadweynahu si firfircoon uga qeyb qaataan siyaasadda.

3. Waa nidaam Dhowra xuquuqda bini’aadanimo ee muwaadiniinta oo dhan

4.Waa nidaam uu sharcigu isku si u qabto qof walba

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa ka go’an hirgelinta jawiga iyo qaanuunka lagu meelmarinayo dimuqraadiyadda Puntland, iskusina looga hirgeliyo dhammaan Gobolada Puntland.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015