Thursday 19th October 2017

MAQAAL: Maskaxda Foorarta Ee Kooxda Aaran Jaan

March 7, 2015 - Written by Puntland Fox

Waa waydiin culus oo u baahan in si xeeldheer loo baaro, hase yeeshee waa lama huraan ah, in horta la isla garto xaalada ay ku sugan tahay Puntland oo hadda 16 sano jirsatay.

Dadku waa kuwo garaad iyo hoodo Ilaah ku manaystay waxay haystaan ducadii nabiga NNKH, waxay diyaar u yihiin dowladnimo iyo dalkoo hagaaga, balse sidee baa laga yeelayaa kooxda Aaran Jaan xataa hadii ay fuuq-sadeen xukunkaan midkii ka horeeyay ?.

Qiyaastii marka aad is bar bar dhigto sanado horre iyo maanta waxa dareemaysaa isbedelo yimid iyo kuwo meesha ka baxay , waana dhab in maanta xaalada taagan ay taageeraan shaqsiyaad dano gaar ah leh , Miyaase la isweydiiyay kuwa qoriga dabkaa la dultaagan maamulka ?

Waa gef iyo denbi hadii qof aan eedeyn lahayn dhaliil iyo cambaareyn dusha loo saaro laakiin waa lama huraan in Dadweynaha Puntland loo soo bandhigo runta iyo xaqiiqooyinka ka qarsoon si fahan dheer loogu yeesho halka sartu ka qurunsan tahay looguna wada jiro Horumarka iyo Jiritaanka Dowladnimo.

Shaki kuma jiro kolka lasoo qaado arrimaha siyaasada gudaha inay dad badan farta ku fiiqayaan shaqsiyaad ka tirsan kooxdii dadku ugu yeeri jireen magaca Aaran jaan kuwaas oo sida la rumaysan yahay ka faa’iidey maamulkii Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed ” Faroole”.

Aaran jaan waa shaqsiyaad hebel iyo hebel loo yaqaan waxayna ka heleen maamulkii hore fursad u badan hanti samaysasho taasna ma jirto cid kula xisaabtamaysa xilligan walow ay ku khaldan yihiin inaysan weli ku saburin hadii lagu kala guulaystey tartankii la qabtey 08 January 2014.

Ka sokow sharaftii iyo wanaagii ay uga tagtey Puntland Xukuumadii Dr Faroole muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dib u jaleeco taariikhda gaarka iyo raadadkii ay ku caan baxeen shaqsiyaadkii ka tirsanaa Kooxda Aaran jaan, Ma hunguri buu ahaa Mise wax kale  ?.. Bal Adba iyo sida ay kula tahay .

Horta yaa ah Puntland 

Puntland horta yaa ah , Ma madaxweynahaa ? Ma baarlamankaa ? Ma wasiiradaa ?  Ma ciidankaa ? Ma shacabkaa ? Ma issimadaa ?  Ma Kuwo maqan-baa ? Mise kuwo jooga ?

Maya ! Maya ! Maya ! Maya ! .

Waa Dhirta, Dhagaxa, Hawada, Ciida, Badda, Xoolaha, Maalka, Shacabka , iyo Maamulka ka talinaya sidaas baa ugu dhow in lagu macneeyo Horta yaa ah Puntland.

Dhalashada Puntland waxa laga joogaa 17 sano, waana ay qaan gaar  sida ka muuqata da,adeeda , balse wali caqli sidaas u fog kama jiro waayo lagama qaan gaarin  habka loogu yeero kala heyb sooca iyo isu dowladeynta.

Sidaas darteed wuxuu yiri Qoraaga faaladu isagoo faanaya ” Magacaygu waa Puntland, ka badan da,adeydu 15 sano, In dhaaxa waan soo jirey, Caqabado waan kasoo gudbay, Galad Eebe ha iga gaaree, Intii maamulo faafayeen gayiga waan ku noolaa waxaan diiday in aan liico — dabargo’na warkii-saba daa.

Waa Wareey Maanta

Qeylo dhaan baa sidaa ! Khatar baa ka digayaa ! Yaa iga maqlaya ! Waa wareey maxaa sidaas u iri ?

Ma aqaano meel aan ka bilaabo “ Ma kuwa Siyaasadda horbooyada baa wax ka qoraa ? Ma cadowga soo socda baan ka digaa ?“ Ma fahanka dowladnimada baa tilmaam ka bixiyaa ? Ma Dadweynaha baan wacyi galiyaa ?

Wuxuu qoraagu sheegey inaan loo baahneyn  Is eedeynta iyo til tilmaamid laakiin Maalmahan danbe lama fahmi waayay sababta lagu diidayo dikreetooyinkii kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ? Yaa ka shaqeynaya arrintan oo xin iyo xaasid ku ah maamulka hadii aanu banaanka soo dhigno Dadweynoow “ Maxay naga mudan yihiin ?

Dhalaanka iyo Hooyada daalan ee Ooyeysa waxaan ku maaweelinaa in lagu kala guulaystey doorashadii la qabtey sanadkii hore 2014  islamarkaana aysan jirin cid  dab ku shideysa nabada iyo horumarka dhulka yaala waxayna taasi keentey in la isku xujeysto“Googaa!” Say yiraahdaan, “Cadalle!” Saa loogu jawaabaa “Haddaan nahay.” Say ku celiyaan “Hadaa tihiin” .

Si aan nafta u barno Puntland waxaa ka jira maamul masuuliyad ay ka saaran tahay nidaamka iyo kala danbeynta sharciga ahna mid kasoo bilaamay aas aaskii dowlada sanadkii 1998-dii , islamarkaana maalin-ba heer imaanayay ilaa maanta oo aan iiga baahnayn inaan barasho kugu sharaxo magaca iyo dowlada ka jirta dhulka Puntland.

Maalmo dhexdaasa baa la lahaa  “ Aaran jaan sidee lagu xaal mariyaa, balse sida saxda ah waxay tahay in Aaran jaan laftooda laga rabo xaal marinta Madaxda iyo Ummada maxaa yeelay wuxuu Hadafkoodu dhaafi waayay “Cadkanoow ku cunay ama ku ciideeyay “.

Qoraaga oo aan rabin inuu tiriyo danbiyadii la kala galey iyo Awoodii ay kaga faa’iideysteen Aaran jaan xukunkii hore  wuxuu yri sidee baa laga yeelayaa daan daansiga kooxdani hadda ay ku raadinayso wixii horey loo barey Islamarkaana maanta bedelkiisa ay ku doonayaan in loo burburiyo dowlada uu hogaaminayo Cabdiweli Gaas Waa hadii ay fursad u heli karaane.

Indheer garad horre baa yiri “Lugo goranyo ma horaa daa mise Waa danbeedo ? Abwaan kale baa yiri “Hadduu  dab dhaxa moodo Maxaa lagu diiriyaa? Haddii daawo bukooto,Maxaa lagu dabiibaa ?  Waa su,aale hadii uu sidaas yeelayo midkii wabaxa ka noqday hantidii faraha badaneyd ee uu ka samaystey Xukunkii ummada Maxaa laga fili karaa midkii Oomanaa ? .

Sow la yaab ma ahan hadii ay jirto maalmo ka hor in la arkay  ganacsade xubin muhiima ka ah Kooxda Aaran jaan oo Garowe ka qoranaya ku dhawaad 25 nin oo maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo uu doonayo  inay ilaaliyaan hadda ka dib ” Waa kuma ninkaas ? Maxay tahay ujeedadiisu ?

Maxamuud Shido wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu tunka weyn kooxda Aaran jaan ee xiriirka dhow uu ka dhaxeeyay Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole wuxuuna ku howlanaa maalmo ka hor  fal guracan oo ay adag tahay fasirkiisu ka dib markii uu dalbadey inuu qoranayo maleeshiyo ilaalinaysa.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa noqdey mid hor istaagay qorshihii shantii sano ee lasoo dhaafey ay uga faa’iidi jireen kooxda Aaran jaan xukunka Puntland islamarkaana sababay inay ku sameystaan  ka dib markii uu ka joojiyey Cabdiweli Gaas dano u gaar ah Kooxda Aaran jaan kuwaas oo ay shantii sano ee lasoo dhaafey ku qabeen maamulkii hore .

Isku soo wada duuboo ficiladaan wehelka u noqday Kooxda Aaran jaan shaki kuma jiro inay muujinaya xishood la’aan iyo fidmo dulmi ku salaysan waana mida lagu micneyn karo maanta maskaxda foorarta ee Aaran jaan taas oo aysan habayaraatee damiirka Aadanaha kaga heli doonin taageero iyo wanaag midna.

 

W/Qoray: Sacad Siyaad Saalax

suldaansamawade@gmail.com

 

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015