Sunday 17th December 2017

Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)

March 12, 2017 - Written by Puntland Fox
Malaysia oo ah dal aan u oggolayn in dadka qaxootiga ahi ay tacliinta guud dhigtaan, ayay ka h

eshay dugsi la yidhaa Fugee School oo dadka soogalootiga ah ka caawiya tacliinta. Markii u horreysay ee nolosheeda ayay qalin qabsatay, isla markaas qayrkeed ayaa ka qalin jebinayey dugsiga sare.

16 sanno ayaan ku soo gaadhay tacliinla’aan. Maalintii u horreysay ee aan shandadda dhabarka ku qaatay, muraayadda ayaan isku eegayey oo waan la yaabbanaa in aan ardayad ahay.

Dhowrkii bilood ee u horreeyey, waa ay ku dhacday xiisad kasta oo ay gashay. Muddo kooban ka dib ayay se soo gaadhay ardaydii oo ay keentay derajadii loo baahnaa. Nawa maanta waa 20 jir, wax badanna way baratay.

Waa layaab in aan wax badan ku bartay muddo 4 sanno ah. Laakiin shidaalka aan ku socdo ayaa ah in aan ahay qofka keli ah ee wax bartay reerkayaga, heerkanna soo gaadhay. Waxa aan rabaa in aan tusaale u noqdo hablo badan oo ka cabsanaya in ay rumeeyaan riyadooda.

Nawa waxa ay rabtaa in ay hablo badan keento dugsiga Fugee School, maaddaama, ayay tidhi, ay habluhu kaga firfircoon yihiin wiilasha dhanka waxbarashada. Waxa ay sheegtay in dhaqannada bulshooyinka qaarkood ay dhiirri geliyaan tacliinta wiilasha oo keli ah, wiilashuna aanay culays iska saarin waxa ay baranayaan. Waxa kale oo ay sheegtay in inta badan hablaha lagu guursan jirey da’ yar, sida 12 ama 14 jir. Bal se maanta ay arrintaasi is beddelayso oo aad arkayso hablo da’doodu tahay dhowr iyo labaatan oo aan weli la guursan, waxna baranaya.

Sannadkii hore ayay dhammaysay dugsiga sare, waxa aanay bilowday jaamacadda. Waxa ay ka mid tahay 42 arday oo ay kala qaateen saddex jaamacadood oo Malaysia ku yaallaa. Nawa waxa ay sheegtay in uu farqi u dhexeeyo iyada iyo asxaabteeda dalka u dhashay, marka ay wax baranayaan.

Qofka qaxootiga ahi waxa uu soo maray duruufo kala duwan oo dagaal iyo rafaad ah. Taasi waxa ay keenaysaa in aannu dedaal saa’id ah la nimaadno marka aannu wax baranayno.

Nawa waxa ay haatan si tabarruc ah ugu shaqaysaa dugsigii iyada caawiyey, halkaas oo ay wax u dhigto carruurta kale ee qaxootiga ah. Toddobaadkii saddex maalmood ayay wax u dhigtaa carruurta, waxa aanay rabtaa in ay heer ka gaadhaan waxbarashadooda.

 

 

Nawa waxa u qorshaysan oo ay rabtaa in ay barato Xidhiidhka Caalamiga ah si ay ugu shaqayso oo ay horu mariso xuquuqda aadamaha. Waxa kale oo ay rabtaa in ay aasaasto urur u gaar ah oo ay ka shaqayso arrimaha qaxootiga.

Qof kasta oo Aadame ahi waxa uu xaq u leeyahay waxbarasho. Waxbarashadu waa furaha albaabbo badan. Markii aan imid Malaysia, intii aanan wax dhigan, ma aan garanayn halka ay noloshaydu ku dambayn doonto iyo sida uu mustaqbalkaygu noqon doono. Laakiin imika waan garan karaa sida ay noloshu u ekaan karto, fursadaha kala duwan ee aan heli karo iyo in aan haysto xirfadihii aan dunidan ugu adeegi lahaa.

 

Xigasho: Soomaalibiyuur

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015