Thursday 19th October 2017

Tababare Arsene Wenger oo ka hadlay guuldaradii xalay

March 8, 2017 - Written by editor24

Arsene-Wenger.pngTababare Arsene Wenger ayaa si qoto dheer kaga hadlay wixii ku qabsaday garoonkiisa Emirates xalay xilli ay markii labaad dhibane u noqdeen Bayern Munich laguna xasuuqay natiijo la mid ah middii February kusoo raacday Allianz Arena.

Jamaahiirta ayaa dibad-baxyo sameeyay iyagoo isticmaalayay erayo ay ka mid yahiin, “WengerOut” iyo “Maya heshiis cusub”, waxeyna kusoo bandhigeen banaanka garoonka iyo gudahaba, balse wax walba oo jira ma culeysineyso tababaraha waaya aragga ah ee reer France.

Theo Walcott ayaa rajo meel dheer ah tusiyay Gunners markii uu hogaanka u dhiibay, balse Vidal, Lewandowski, Robben iyo Costa ayaa ka daba keenay.

Si kastaba tababare Arsene Wenger ayey saxaafadda wax ka weydiisay hadii la joogo waqtigii isbadalka isla marakaana waxey wax ka weydiiyeen wax ku saabsan mustbaqlkiisa wuxuuna yiri:

“Waxey ila tahay in kooxdaan ay leedahay qaab weyn, balse waqti xaadirkaan iney horay u dhaqaaqdo waa xaalad adag, waxa u baahan in la badalo waa natiijada kulanka soo socda”

“Waxaad mar walba ka walwashaa cinwaanada. halkaan waxaan u imid inaan ka hadlo kubadda cagta, uma imaan wax ku saabsan mustaqbalkeyga”

“Caawa axey ila aheyd ineysan jirin wax la hubay kulankeena, waxaan u ciyaarnay si wanaagsan”

“Wey adag tahay, marka aad 5-1 ku dhumiso Bayern isla markaana aad ku qasban tahay inaad ka dhaliso afar gool”

“Waxaad noqoto 10-xidig, hadii aad horay u socoto waxaad ogaataa iney heli karaan weerar rogaal celis ah, hadii aadan bixin dadka waxey dhihi doonaan, “maxaad isugu dayi weysay inaad xitaa gool dhaliso? waana xaalad aan macquul aheyn”

 

 

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015