Thursday 19th October 2017

WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI

May 8, 2017 - Written by Puntland Fox

Madaxweyne Emmanuel Macron waa 39 jir! Waxa uu ku dhashay magaalada Amiens ee Waqooyiga Faransiiska, Diisember 1977. Waa wiil uu dhalay dhakhtar iyo bare jaamacadeed.

Mr Macron, waxa uu ka aflaxay Falsafadda iyo Arrimaha bulshada . Sannadkii 2004, waxa uu ku biiray Rothschild, oo ah bangi maalgelineed. 2008, ayaa uu ka tegey bangigaa. Muddo dabadeed Macron, waxa uu noqday maalqabeen haysta hanti aad u badan. Intii u dhaxaysay 2006-2009, waxa uu ahaa xubin ka mid ah Xisbiga Socialist.

Waxaa loo magacaabay ku xigeenka xoghayaha guud xukuumaddii hore ee Francois Hollande sannadkii 2012. Bishii Agoosto sannadkii 2014 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Warshadaha ee dawladdii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa Manual Valls. Macron, waxa uu iska casilay xilkaa wasiirnimo bishii Agoosto ee sannadkii 2016.

QISADII ISAGA IYO XAASKIISA

Madaxweyne Emmanuel Macron, waxa uu jeclaaday macallimaddiisa oo la qabo, 24 sanno ka hor. Si kedis ah ayey isugu dheceen, waxa uuna ka dhunkaday dhabanka! Jacayl xad dhaaf ah ayaa uu u qaaday.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa faafisay waalidka Emmanuel Macron, in ay dhabanna-hays ku noqotay markii ay ogaadeen in wiilkoodu caashaqay macallimaddiisa dugsiga.

Qoraa Anne Fulda, oo buug ka qortay Macron, buuggaas oo la yiraahdo “A Perfect Young Man.” Ayaa kala hadashay waalidka Macron, jacaylka aan caadiga ahayn ee haleelay wiilkooda, islamarkaana jacaylkiisu ay marwo u tahay aabbaha saddexdeeda carruurta ah.

Waalidkiis markii ay amankaag ku noqotay, waxa ay go’aansadeen in ay wiilkooda aan qaan-gaarka ahayn ka saaraan dugsiga ku yaal magaalada Amiens, una diraan caasimadda Paris si uu uga sii dhammaysto inta uga hadhay dugsiga.

Hooyadii oo u sheekaynaysa qoraa Fulda, ayaa tiri: “Ma aaminayso arrintaas, in uu Macron la kulmay Brigitte, annagu ma oranayso waa wax caadi ah!”

Marwo Briggitte kal hore mar ay wareysi siinaysay wargeyska Paris Match waxa ay qirtay in Macron uu wacad ku maray in uu guursan doono iyada, xilli uu ahaa 17 sanno jir oo keliya.

GOORMA AYEY LAMMAANAHAASI NOLOSHA KU MIDOOBEEN?

Madaxweyne Macron, waxa uu guursaday xaaskiisa sannadkii 2007, ka dib markii marwo Briggitte ay kala tageen Andre Louis, oo ay u dhaxday muddo 33 sanno ah!

Wasiirkii hore ee Dhaqaalaha iyo Warshadaha, haddana ah madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska waa adeerka (adeer hooyo), saddex ubad ah oo waa weyn, uuna ku jiro Sebastien oo ah wiil laba sanno ka weyn adeerkiis hooyo!

Sidoo kale gabadha lagu magacabo Tiphaine, oo 30 jir ah, waa abuukaate/Looyar, kana shaqaysay ol-olihii uu Macron, ugu jirey xilka madaxweynenimo. Waxa ay ku qeexday adeerkeed in uu lee yahay shaqsiyad goonni ah, uuna yahay nin aad u maskax badan.
Macron, wax carruur ah uma dhalin xaaskiisu. Waxa uu awoowe u yahay toddobo carruur ah, oo marwadiisu ayeeyo u tahay.

XISBIGA EN MARCHE!

Macron, ayaa bilaabay in uu isu taago xilka madaxweynenimo ka dib markii uu baabi’iyey Xisbigii uu asaasay Francois Hollande (Mr Hollande’s Socialist Party), waxa uuna dhidibbada u taagay dhaq-dhaqaq madax bannaan oo uu ugu magac daray En Marche.

Waxa uu shaqaalaysiiyey kumannaan mutadawiciin ah, si ay irridaha u gargaraacaan, inta lagu guda jiro xagaaga loona maqlo fikradaha iyo aragtida dad weynaha,. En Marche! Waxa uu helay taageero xoog weyn, waana ta u suurta gelisay in uu ku guuleysto doorashadii dalka Faransiiska ka qabsoontay Axaddii shalay ahayd.

Hadalladii ugu soo jiidashada badnaa ee uu yiri waxaa ka mid ahaa, “Waxa aan doonayaa in aan heshiisiiyo labada Faransiis, ee aadka u sii kala irdhoobaya.”

Ugu dambayn waxa uu ballan qaaday in uu canshuurta shirkadaha dhimi doono 8%. Madaxweyne Macron, waa madaxweynaha 25-aad ee uu yeesho dalka Faransiisku.

kkkXIRIIRKA QORAAGA
Cumar Yuusuf Axmed (Cumar Shaafi)
E-mail: Omershaafi01@gmail.com
Facebook: Cumar Shaafi

TIXRAAC
Wargeyska The Sun
Wakaaladda Wararka ee Reuters

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015