Thursday 19th October 2017

Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada Ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada oo Maanta La Dhaariyey.

August 19, 2017 - Written by Puntland Fox

Waxaa maanta oo ay tariikhdu tahay 19 August 2017 xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland lagu dhaariyey Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada Ee xiriirka Goleyaasha, ahna Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) oo uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay 16 August 2017.

Munaasibadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoogka ahaa Madaxwene ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhaarta kadib kula dardaarmay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, ahna Af-hayeenka Madaxtooyada inuu si daacadnimo ku jirto uga soo baxo ugana soo dhalaalo shaqada qaran ee loo igamaday, islamarkaana uu ugu adeego si karti iyo hufnaanle dadkiisa iyo dalkiisaba.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kubooriyey Wasiirru Dawle Cabdullahi Maxamed Jaamac (QuraanJecel) inuu ka foojignaado kana fogaado wax kastaoo lid ku ah shaqada xafiiskiisa, islamarkaana uu ogaado in shaqada Xafiiska Xiriirka Goloyaasha ee Madaxtooyadu u baahan yahay shaqo tiro badan oo leh tayo iyo dulqaadbadan.

Ugu Danbayntii, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa Alle ‘’SWT’’ uga baryey Wasiirru Dawlaha inuu u fududeeyo hawlahashaqo ee loo igmaday, islamarkaana Alle kadhigo mid sidaacadnimo ah oo waddaniyaddi ku jirto ugu adeego dadkiisa iyo dalkiisaba.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_6530

 

 

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015