Sunday 17th December 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland Iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo Safar Ugu Ambabaxay Magaalada Kismaayo.

October 8, 2017 - Written by Puntland Fox

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo  ayaa maanta 08 October 2017 safar ugu ambabaxay magaalada kismaayo ee caasimadda kumeel gaadhka ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso kusii sagootiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dawladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, saraakiisha ciidanka qalabka sida ee dawladda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay muhiimadda shirka ayaa sheegay in magaalada Kismaayo isaga iyo weftiga uu  hogaaminayo ay uga qayb geli doonaan shirka maamulada dalka uga furmidoona , waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in shirkaasi daaran yahay katashiga masiirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa farxad weyn noo ah inaan maanta u safrayno magaalada Kismaayo oo aanu kaga qayb gelidoono shirka madaxda maamul goboleedyada dalku isugu imaanayaan , shirkaasi runtii waxa weeye shir dan u ah ummadda Soomaaliyeed, xaq bay u leeyihiin inay maamul goboleedyadu isu yimaadaan duruufaha gaarka iyaga u ah iyo danaha ka dhexeeyaba ay kawada hadlaan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland

“Ujeedada keliya ee laga leeyahay  waxa weeye in laysu yimaado hawlaha qaran ee dalka ka socdana laga wada hadlo oo ay kamid yihiin dastuurka, qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka,  waxaa jira wax badan oo iyaga si gaara u khusaynaya oo loo baahan yahay inay kawada hadlaan dabadeedna ay ka heshiiyaan sidii ay u wada shaqayn lahaayeen, dawladda dhexena ay iyana uwada shaqayn lahaayeen” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in shirkani looga hadlidoono arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo sidoo kale geedi socodka horumarka ummadda Soomaaliyeed.

“Arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo geedi socodka ummadda Soomaaliyeed looga wada shaqayn lahaa   weeye u jeedada shirku, waxaan rajaynayaa inuu si wanaagsan oo guul u ah maamul goboleedyada dalka, guul u ah ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba inuu ku soo dhammaado shirkaasi” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA,  HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.5I2A0446 5I2A0474 5I2A0475 5I2A0480 5I2A0483 5I2A0489 5I2A0492 5I2A0494 5I2A9814 5I2A9818 5I2A9825

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015