Sunday 17th December 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dalxiis Ku Tegey Degaanka Goob-Weyn Ee Kismaayo.

October 10, 2017 - Written by Puntland Fox

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif  Xasan Shiikh Aadan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gelinkii danbe  10 October 2017 dalxiis iyo booqasho ku tegey degaanka Goob-Weyn oo ah goobta uu webiga Jubba biyaha kaga daro Badda.

Degaanka goobweyn oo qiyaas ahaan ujirta magaalada Kismaayo 13-Km, ayaa ah meel qurxoon oo ku wanaagsan dalxiiska, isla markaana ah meel taarikhiya oo ka midda meelaha dhulka Soomaalida ugu qaalisan uguna quruxda badan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay in goobtani tahay meel aanay jirin wax lagu masaalo amase lala-meel dhigo qurux ahaan, jewi ahaan iyo dalxiis ahaanba, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in Soomaaliya tahay dhuldihin, qurux, bilic iyo cimilo wanaagsanle loona baahan yahay in dhulkaasi laga faa’iidaysto, gaar ahaan goobaha dalxiiska sida degaanka Goob-weyn.

Dhica kale Madaxweynaha ayaa sheegay in degaanka Goob-weyn ku caan yahay beero kuwaas oo lagaga faa’iidaysto biyaha webiga Jubba, dhuldaaqsimeed had iyo jeer Alle ku manaystay dhir cagaaran oo ay xooluhu ku nimcaysteen, kalluunka iyo sidoo kale dalxiiska oo ah goob markasta mashquul ah oo ay soo booqanayaan shacab Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa shacabka degaanada hoostaga magaalada Kismaayo iyo guud ahaan shacabka reer Jubbaland ku booriyey inay illaashadaan goobtani qurxoon ee kulmisatay khayraadka dabiiciga ah ee bini aadanku ugu baahida badan yihiin.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxweynayaasha kale ee ku wehelinaayey dalxiiska ayaa booqday xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo oo ah goob u dhisan qaab casriya.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

1 2 3 4 5 5I2A0032 5I2A0043 5I2A0069 5I2A0103 5I2A0108 5I2A0117 5I2A0178 5I2A0182 5I2A0205 5I2A0210 5I2A0214 5I2A0216 5I2A0228 5I2A0236 5I2A0294 5I2A0295 5I2A0321 5I2A0331 5I2A0334

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015