Sunday 17th December 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga ka Jaray Suuq Ganacsi oo Lagu Magcaabo New Bosaso Market.

October 2, 2017 - Written by Puntland Fox

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 October 2017  magaalada Boosaaso xadhiga kaga jaray suuq ganacsi oo casri ah oo magaaladaasi laga hirgelyey.

Xadhig jarka suuqani cusub ee New Bosaso Market ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqani cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucani iyo weliba hay’adda UNOPS  iyo degmada Boosaaso oo ka qayb qaatay qalabaynta Mashruuca, iyo shirkadda Albashid oo dhistay dhismaha mashruuca, islamar’ahaantaana waxaa uu Madaxweynuhu xusay in qaabka loo dhisay loona qalabeeyey suuqani cusub uu yahay mid wax ku oola oo ay mustaqbalka u’aayidoonaan bulshada magaalada Boosaaso, dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo ganacsatada suuqani agaasimidoona in goobtani sida ay maanta tahay lagu hayo oo lagu illaaliyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha mashruucani kamid yahay horumarka ay ku talaabsanayso Puntland  gaar ahaan gobolka Bari, welibana waxa uu xusay Madaxweynuhu in suuqyo badan oo noocanoo kale ah dawladdu ku tala-jirto inay dalka ka hirgeliso dhowaanna magaalada Boosaaso laga hirgelindoono mashaariic kale oo wax ku oola.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud ayaa  faahfaahin ka bixiyey ganacsiyada kala duwan  ee lagaga faa’iidaysan doono suuqani, waxaana uu sheegay in suuqani isugu jiridoono gacacsiyo ay kamid yihiin kaluunka, qudaarta, hilibka, bagaashka, qaybta dahabka iyo walxaha lasyku qurxiyo (Cosmetics), isla markaana waxa uu xusay duqa degmada Boosaaso in ay qayb ka noqon doonaan bulshada rayidka ah iyo weliba dadka Yamaniyiinta ah ee kasoo hayaamay dagaalada ka socda Yeman ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Guddomiyaha gobolka Bari Maxamed Yuusuf Wacays ayaa dhankiisa xusay in mashruucani guul weyn usoo hooyey xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maadaama ay ku guulaysteen dhismaha mashruucani halka ay u suura geliweydey  dawladdihii ka horeeyey inay dhisaan goobtani maanta muhiim ka u ah shacabka magaalada Boosaaso ee uu xadhigga ka jaray Madaxweynuhu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga oo isna kahadlay furitaankii mashruucani ayaa sheegay 2005 in uu  ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee dawladda Puntland wakhtigaasina uu ku guulaystay inuu goobtani ku wareejiyo dawladda hoose ee degmada Boosaaso, sidaasi darteedna uu ku faraxsan yahay guulna u tahay inay ku guulaysato dhismaha goobtani xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka iyo halganka Puntland lagu gaadhsiinayo dawladdaha horumaray, gaar ahaana kor uqaadida ganacsiga Puntland ee dawladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid horumarsan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKAA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.1 2 3 5I2A9512 5I2A9519 5I2A9526 5I2A9533 5I2A9537 5I2A9542 5I2A9560 5I2A9573 5I2A9579 5I2A9629 5I2A9650 5I2A9669 5I2A9716 5I2A9726 5I2A9728 5I2A9746 5I2A9756 5I2A9772 5I2A9785 5I2A9795 5I2A9813 5I2A9827 5I2A9921 5I2A9943 5I2A9947 IMG_9874 IMG_9891 IMG_9895 IMG_9912

Like Us On Facebook
Faallooyin
alegeri-prezidentiale-Franta WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB, EE FARANSIISKA W/Q: CUMAR SHAAFI    May 8, 2017
Nawa-750x400 Nawa, 16 jir ayay ku bilowday waxbarashada (Maqaal)    March 12, 2017
Muna-750x400 Sunsun! (Maqaal)    March 8, 2017
jjjjhjghj-150x150 FAALLO:-Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan    April 7, 2015
index-150x150 FAALLO:- Nabadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola    March 31, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Hirgelinta Nidaamka Dimuqraadiyadda.    March 25, 2015
Faallada FAALLO:-Inta Cudurku kuu jiro ayaa Caafimaadkuna Kuujira    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO :- TURXAAN BIXINTA IYO TOOSINTA SHAQADA QARANKU WAXAY QAYB KA TAHAY HADAFKA IYO SIYAASADDA MADAXWEYNE GAAS.    March 23, 2015
Faallo1 FAALLO : Puntland iyo Maanta    March 18, 2015
dhuxul FAALLO:-Deegaankeenu waa Nolosheenna.    March 16, 2015